666 Views

Qaramada Midoobay oo sheegtay in kumanaan qof ay ku dhibaataysan yihiin gobolka Tigray

Qaramada Midoobay oo  sheegtay in kumanaan qof ay ku dhibaataysan yihiin gobolka Tigray
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 1 2021

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay iney u baahan tahay iney si deg deg ah u gaaraan shaqaalaheeda kumanaan qof oo nugul, kuwaasoo kusugan gobolka Tigray ee Itoobiya.

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta (Unicef), ayaa sheegtay in waddooyinka loo baahan yahay in la furo, iyadoo loo oggolaanayo duulimaayda iney geeyaan waxyaabaha nolosha bani’aadamka aasaasiga u ah, maadaama 30,000 oo caruur ah ay sarka u saaran yihiin iney dhintaan.

Wakiilka Unicef ee Itoobiya, Adele Khodr, ayaa sheegay iney u baahan yihiin in lasoo celiyo war isgaarsiinta iyo korontada, sidoo kalana la hubiyo fududeynta in la gaarsiiyo gobolka Tigray gargaarka bani’aadanimo.

Madaxda dowladda Itoobiya, ayaa ka sheegay caasimadda Addis Ababa, in ciidankooda ay dib u qabsan karaan xarunta gobolka Tigray ee Mekelle, saddex toddobaad haddii ay noqoto lagama maarmaan.

Waxaa halkaasi qabsadey isniintii lasoo mucaaradka Tigray.

Ciidamada ayaa sheegay iney ugga baxeen magaalada Mekelle, maadaama ay jiraan khataro kale, dadka Tigreegana aysan ahayn halis haatan wixii ka danbeeya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post