885 Views

Duqa Muqdisho oo sheegay inay ka hortagayaan weerarada Shabaab

Duqa Muqdisho oo sheegay inay ka hortagayaan weerarada Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 17, 2019–Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in xilligaan Al-Shabaab qorsheeynayaan weeraro abaabulan oo ay ka geystaan Magaalada muqdisho taasina ay tahay nasiib-darro.

 

Waxaa uu sheegay in shabaab ku dhiiradaan xilligaan inay degmooyinka Gobolka Banaadir qeybo kamid ah inay weeraro ka fuliyaan aysan aheyn mid suurtagal noqon karta,isla markaana Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya ay u diyaarsan yihiin inay ka hortagaan.

 

“Waxaa nasiib-darro ah waqtigaan lagu jiro in shabaab abuulan ay ku dhiiradaan inay weeraro ka fuliyaan muqdishoi,mana ahan mid u suuragaleyso mana ismahdin doonaan waana hami waalan waana kala eryi doonaa ayuu yiri”Cumar Filish.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha Amniga ay ka hortegi doonaan fal kasta oo ay isku dayaan Al-Shabaab,isla markaana la xoojin doono amniga koontoroolada laga soo galo Muqdisho.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment