1212 Views

Muwaadin Soomaali-Maraykan Oo Lagu Helay Inuu Feeray Siyaasi Kenyan Ah

Muwaadin Soomaali-Maraykan Oo Lagu Helay Inuu Feeray Siyaasi Kenyan Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 25, 2019–Maxkamadda Makadara ee magaalladda Nairobi waxaa la soo taagay Jamaal Maxamed oo ah Somali haysta Dhalashada Maraykanka, kaasi oo lagu soo oogay inuu feeray Siyaasi lagu magacaabo Xuseen Maxamed oo horey u ahaa Xildhibaan laga soo doortay Wajeer sannadkii 2017-kii.

Eedeysanaha waxaa lagu eedeeyey inuu Siyaasigaasi ka dhigay Naafo, kadib, markii uu ku feeray Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi bishii September 17-dii ee sannadkii 2017-kii.

Dhibanaha ayaa la sheegay inay dhaawacyo culus ka gaareen Lugta Bidix, taasi oo sababtay inay naafo noqoto.

Eedeysanaha waxaa kaloo lagu soo oogay inuu si sharci-darro ah ku joogay gudaha dalka Kenya.

Garsooraha Maxkamadda Makadara, Enice Kimaayo waxay sheegtay inuu Eedeysanaha dhibaato gaarsiiyey Dhibanaha oo ay waxyeello xooggan soo gaartay.

Garsooradda waxay tilmaamtay in la hayo caddaymo ku filan oo taageeri kara dacwadda loo haysto Eedeysanaha, waxayna hdanka kale dib u dhigtay Xukunkiisa ilaa bisha soo socota ee June.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment