4650 Views

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Nuqul Ka Mid Ah Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo Ka Guddoomay….

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Nuqul Ka Mid Ah Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo Ka Guddoomay….
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 02, 2018 –Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa maanta oo Axad ah ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo Mudane Khalafallah Mustafa Babakar Abdullahi, Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee aanu walaalaha nahay, isagoo huwan xilka Safiirka idman ee dalkiisa u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka qaabilaada Safiirka cusub ee Suudaan ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa iskaashiga dhinacyo kala duwan oo dan u ah labada shacab iyo labada dal ee walaalaha ah.

Mudane Cabdulqaadir ayaa intii uu ku guda-jiray qaabilaadda Safiirka cusub oo ku qabsoontay xarunta Wasaaradda, ayaa waxa uu bogaadiyay xiriirka taariikhiga ah ee isku xira labada dal ee walaalaha ah, isagoo muujiyay sida uu u tixgelinayo dadaalka ay Suudaan ku bixinayso xoojinta xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya, waxaa uu u rajeeyay Safiirka cusub inuu ku guuleysto howlaha loo igmaday.

Dhankiisa, Danjire Khalafallah Mustafa Babakar ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisu sii wadi doono taageerrada uu u fidiyo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, una howlgeli dooo adkaynta xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal dhammaan arrimaha iyo dhinacyada kala duwan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment