1467 Views

Dagaal ka dhacay Shabeellaha Dhexe & faah faahin laga helayo

Dagaal ka dhacay Shabeellaha Dhexe & faah faahin laga helayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 22da Maarso, 2021Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka Midowga Afrika ee AMSIOm & Al-Shabaab waxaa uu ku dhe-maray degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Burundi ku leeyihiin degaanka Miir-taqwa ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad.

Dadka degaanka Miir-taqwa qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hayeeshee aysan sirasmi ah u ogeyn khasaaraha ka dhashay maadaama xilli habeen ah uu dhacay dagaalka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas, waxaana warar lagu daabacay Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka lagu sheegay in dagaalkii dhacay uu ku dhintay hal Askari oo ka tirsan Ciidamada AAMISOM laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya degaan ka Miir-taqwa ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan, balse Ciidamada AMISOm iyo kuwa dowladda ay wadaan howlgallo kala duwan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post