1767 Views

Maxaa u sabab ah dhalinyarada ku le’anaysa xeebta Liido.?

Maxaa u sabab ah dhalinyarada ku le’anaysa xeebta Liido.?
____________________________________________________________________________

Sebti, 12 Juun [Qaranimo Online] Muddooyinkii u dambeeyey waxaa soo badanayay geerida caruurta & dhalinyarada mar waliba ku harqada mowjadaha badda Liido, iyada oo 2 toddobaad ka hor badda ay ku geeriyoodeen 5 dhalinyaro aad u da’yar.

Shariif Abanur oo ka mid ah kaluumeysatada xeebta Secondo Liido, isla markaana sheegay in muddo 40 sanno ka badan uu kaluumeysato ahaa, ayaa tilmaamay in dowladdu haddii aysan dhowr arrimood degdeg wax uga qaban in xaalada baddu ay ka sii dari doonto.

“Waqtiyadii hore, badda xilliyada ay kacsan tahay lama geli jirin, saacadaha ay kacsan tahay & saacadaha ay dagan tahay waxaa qori jiray wargeys-yadii dalka ka soo bixi jiray, xilligii hore dadku uma aysan badneyn sida ay hadda u badan yihiin” Ayuu yiri Shariif Abanur , isaga oo ka hadlayay sababaha muddooyinkan dambe ay soo kordheen dadka ku dhimanaya badda in ay tahay wacyigelin la’aanta haysata dadka badda imaanaya.


Shariif wuxuu sheegay in dowladda hoose ee Xamar lagaga baahan yahay in ay xil weyn iska saarto sidii ay ilaalo gaar ah ugu sameyn lahayd bad-qabka caafimaad ee bulshada imaaneysa xeebta.


“Badda waxaa ku badan dugaafada & wasaqda waxayna taasi dhibaato ku tahay caafimaadka dadka imaanaya; Arrinta kale ee dhibaatada ku ah badda waxay tahay dhismayaashii ay aheyd in badda laga fogeeyo oo xeebta ku soo dhowaaday, waxaad arkeysaa mowjadihii bada oo gaaracaya dhismayaasha, adduunakana waxaas kama jiraan, sharcigu wuxuu dhigayaa in dhismayaasha ilaa masaafo dheer laga fogeeyo badda” Ayuu yiri Shariif, wuxuuna intaasi raaciyay in dadka badda imaanaya isugu jireen dad aan weligood bad arkin iyo dhalinyaro u soo tamashleyn doonto, haddii aanu jirin sharci & nidaam dadkaasi kala haga na ay dhici karto in geeri & wax aan loo baahneyn halkaasi ka dhashaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post