600 Views

Dhacdada naxdinta leh ee la xirriirta ninka shanta dollar iyo fariinta uga tagay xaaskiisii hore

Dhacdada naxdinta leh ee la xirriirta ninka shanta dollar iyo fariinta uga tagay xaaskiisii hore
____________________________________________________________________________

Sabti January 29, 2022

Ninkan ayaa arrintan naxdinta leh sameeyey markii ay xaaskiisii hore iyo ninkeeda ay shaqada u kalleheen subixii.

Nancy Adhiambo iyo ninkeeda Christopher Okeyo ayaa guriga kaga tagay wiilka yar oo la yirahdo Derrick, ka dibna waxaa dhacday in Victory Ayieko oo ah ninkeedii hore uu guriga u soo dhuunto oo uu afduubto wiilka yar oo ku sugnaa xaafad la yirahdo Taasiya oo ku taalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida lagu sheegay wargayska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya.

Ayieko oo 30 sano jir ah oo ah aabaha dhalay wiilka ayaa mooto ku qaaday waxa uuna geeyay gurigiisa oo 5 kilomitir u jira guriga uu ka afduubtay.

Waxa uu dilay wiilkii, waxa uuna meydkiisa seexiyay sariirta ka dibna isagii ayaa is ceejiyay.

Waxa uu xaaskiisiii hore miiska u saaray lacag shan doolar ah iyo warqad uu ku qoray in lacagtaasi ay ku gadato kaarka lagu shubto teleefoonka si ay ula hadasho qoyska dhan oo ay ugu sheegto geerisdiisa.

Markii ay Adhiambo iyo ninkeeda guriga ku soo laabteen waxay waayeen wiilkoodii, ka dib dariska ayay weeydiyeen waxayna u sheegeen in markii ay tilmaamen noqday ninkeedeedii hore uu mooto ku qaatay wiilka.

Booliska iyo goobjoogeyaal ayaa sheegay hooyada markii ay ogaatay ka dib ay u carartay dhanka guriga ninkeedii hore oo ay kula kulantay dhacdadaan xanuunka badan.

Haatan ayaa wada baaritaan ku aaddan sababta uu ninkaan ugu dhaqaaqay tallaanadan foosha xun.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post