1239 Views

Ra’iisul Wasaaraha oo xarigga ka jaray Masaajid loogu magac daray Axmed Saleebaan Dafle

Ra’iisul Wasaaraha oo xarigga ka jaray Masaajid loogu magac daray Axmed Saleebaan Dafle
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 24, 2019–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah u furay Masjid cusub oo ay yeelanayso xarunta Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA), iyadoo dhismahan uu socday muddo 4 bil ah.

 

Munaasabadda xarigga loogu jarayay Masaajidkan ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinayay Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta,  Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey Maamulka iyo shaqaalaha Hay’adda juhdiga iyo dadaalka dheeriga ah ee ay galiyeen dhismaha masjidkan oo ahmiyad weyn u leh shaqaalaha xarunta. Isaga oo sidoo kalena bogaadiyey maamulka Ha’yadda oo isbadal weyn ku sameeyey bilicda iyo qaab-dhismeedka guud ee xarunta.

 

Dhinaca kale Munaasibada furitaanka Masjidka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin sare ee Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA).

 

Dhismahan Masjidka oo socday muddo dhan afar bilood ayaa loo dhisay qaab casri ah isaga oo sidoo kale loo nashqadeeyey si aad u heer saraysa.

 

Masaajidkan waxaa loogu magac daray taliyihii ugu horeeyey ee Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Axmed Saleebaan Dafle.

 

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA) oo dib u dhis iyo balaarin ay ku socoto isaga oo sidoo kale indha indheeyey waaxyaha kale ee xarunta.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment