858 Views

Dagaal ka dhacay Beledweyne & khasaaro ka dhashay

Dagaal ka dhacay Beledweyne & khasaaro ka dhashay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 23 2020
—Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu xalay ka dhacay Xarun ku taalla duleedka Magaalada Beledweyne,waxaana uu dhex-maray Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii ay Al-Shabaab weerareen Xarun Ciidamo ka tirsan NISA gaar ahaan mid la sheegay in lagu dhaqan celiyo Ragga kasoo goosta Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Ceeljaalle ee duleedka Waqooyi ee magaalada Beledweyne, waxaana dad ku nool degaankaas ay sheegeen in dagaal culus oo muddo socday uu halkaasi ka dhacay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagaalka, kaas oo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay iyo dad rayid ah oo ku sugan degaanka Ceel-jaalle.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana saddex Xubnood ay ka dileen,waxaana sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay Haweeney kamid ah dadka ku nool degaanka Ceel-jaalle ee ka barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno degaanka Ceel-jaalle ee duleedka Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ay howlgallo ka wadaan duleedka Magaalada, iyaga oo baadi goobaya raggii weerarka kusoo qaaday.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post