789 Views

Guddiga maamulka doorashooyinka ee Hir-shabeelle oo xalay qabtay doorashada tartan adag

Guddiga maamulka doorashooyinka ee Hir-shabeelle  oo xalay qabtay doorashada tartan adag
____________________________________________________________________________

Talaado: March 15, 2022

Guddiga maamulka doorashooyinka ee Hir-shabeelle, waxaa ay xalay qabteen doorashada kursi uu tartankiisa uu adkaa kaas oo deegaan doorashadiisa ay tahay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiran.

Kursiga Hop#004, waxaa ku tartamayay wareegii koowaad musharixiinta dhowr ah, balse wareegii 2-aad, waxaa usoo gudbay musharixiinta kale ah: marwo Bilan Bile oo heshay 35 & Abdinaasir Shirwac oo helay 39 cod.

Tartanka doorashada Kursiga Hop#004, waxaa ku guuleystay musharax Cabdinaasir Xaaji Shirwac Maxamed, isagoo helay codad gaaraya 61-cod,  halka musharaxii kale Marwo Bilan Bile Maxamed ay heshay 40-cod.

Guddiga doorashooyinka Hir-shabeelle ayaa hore dib u dhigay kuraas Seddex ah kuwaas oo uu kan qeyb ka ahaa, balse guddiga ayaa shaaciyay in ay qabanayaan doorashada kursigaan Hop#004, iydoo tartankiisa uu ahaa mid furan oo si adag loogu tartamay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post