873 Views

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga Hanti dhowrka Guud ee Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga Hanti dhowrka Guud ee Qaranka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 31|  2020—Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan ‘’Nuux’’ uu dhaariyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Howlaha guud dib u dhiska iyo guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa magaca guddoonka Golaha Shacabka shahaado sharaf ku guddoonsiiyay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo lagu abaalmariyay kaalintii ay ka qaateen dib u dhiska xarumo badan oo kuwo danta guud ah oo uu goluhu ka mid yahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa saraakiishan ugu hambalyeeyay howsha wanaagsan ee ay Qaranka u hayaan.

Intaasi ka dib Xoghayaha guddiga Maaliyadda, miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adda Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed ayaa  ka hadlay muhiimadda uu dalka u leeyahay wax ka bedelka sharciga Hanti dhowrka guud ee Dowladda, isagoo ka codsaday in goluhu ansixiyo sharcigan.

Xildibaannada Golaha Shacabka oo sharcigan cod u qaaday ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 145-Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay.

Dhinaca kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa badankood isku aragti ka qabay wax ka bedelka Qodobka 10-aad ee sharciga guddiga Madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo mudo xileedkiisu uu ku ekaa Bishii September ee sanadkan, balse uu guddigu soo jeediyay In mudo afar sano ah loogu daro maadaamaa uu howlo muhiim  ah hayo, halka Xildhibaanadda qaar ay soo jeediyeen in gebi ahaanba guddigan dib u magacaabis lagu sameeyo.

Xildhibaanadda oo cod geliyay soo jeedinta Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka ee ah in guddiga madaxabanana ee xuduudaha Federaalka  afar sano oo dheeraad  loogu daro mudo xileedkiisa ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 145-Xildhibaan oo ah tirada Xildhibaannada kulanka joogay,sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post