336 Views

Queen Elizabeth II Boqoraddii Ingiriiska ee geeriyootay oo lagu wadaa in lagu aaso Magaalada London ee caasimadda dalka Britain

Queen Elizabeth II Boqoraddii Ingiriiska ee geeriyootay oo  lagu wadaa in lagu aaso Magaalada London ee caasimadda dalka Britain
____________________________________________________________________________

Isniin: SEPTEMBER 19, 2022

Queen Elizabeth II Boqoraddii Ingiriiska ee geeriyootay, ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso Magaalada London ee caasimadda dalka Britain.

Boqoradda ayaa geeriyootay 8-dii bishan iyadoo 96 jir ahayd, ka dib xanuuno ay muddooyinkii ugu dambeysay dhul layaal la ahayd.

Madax isugu jira Boqoro, Madaxweyneyaal iyo Ra’iisal Wasaareyaal ka kala socda wadamada caalamka ayaa ka qaybgelaya aaska Boqoradda.

Khudbado iyo maamuus gaar ah oo ay leedahay Boqortooyada Britain ayaa loogu samayn doonnaa Aqalka Westminster, ka hor inta aan lagu aasin xabaalo looga sameeyay Xarunta Boqortooyada ee Windsor.

Madaxda caalamka ee ka qeyb galaya aaska boqoradda waxaa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post