1395 Views

Dowladda Britain oo Soomaaliya u soo diraysa Ciidamo ka Qeyb qaata la dagaalanka Al Shabaab.

Dowladda Britain oo  Soomaaliya u soo diraysa Ciidamo ka Qeyb qaata la dagaalanka Al Shabaab.
____________________________________________________________________________

May 25 2021

Dowladda Britain ayaa u direysa Soomaaliya 250 askari si ay gacan uga geystaan la dagaalanka Al Shabaab.

Arrintan oo la qaadayo 12-ka bilood ee soo socda gudaheeda, waxay noqontaa hawlgalkii ugu horreeyay oo rasmi ah oo ciidanka cusub ee Ranger UK uga howlgalayaan Soomaaliya, sida uu sheegayo wargeyska Ingiriiska ee Express.

Waxay ku soo beegmaysaa bilo uun ka dib markii la aasaasay Guutada Howlgalka Gaarka ah uu ku dhawaaqay taliyihii hore ee ciidamada Cirka Britain, General Sir Mark Carleton-Smith, oo hadda madax ka ah Ciidanka Ingiriiska.

Sidoo kale Ilo wareedyo ayaa sheegaya  in ciidamadan la dejin doono Soomaaliya, halkaas oo ay ku tababari doonaan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya si ay uga hortagaan Al-Shabab.

Dowladda Britain ayaa hadda tababarta ciidamada Soomaaliya ee ka howlgalla degaanada koonfur Galbeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post