1203 Views

Shan Qof Oo Loo Heysto Weerarkii Nairobi Oo Maxkamad Kasoo Muuqday

Shan Qof Oo Loo Heysto Weerarkii Nairobi Oo Maxkamad Kasoo Muuqday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 19, 2019 –Maxkamadda Milimani ee magaalladda Nairobi waxaa shalay la soo taagay  dhowr qof oo  lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkii ay Al-Shaabaab dhawaan ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi.

Dadka la soo taagay Maxkamadda Nairobi waxaa magacyadooda lagu kala sheegay  Guuleed C/kariim oo heysta Dhalashadda Kanada,  Osman Ibraahim, Joeel Naganga, Oliver Kanyango, iyo Glaadays Karai

Haweeneyda Madaxda ka ah Garsoorayaasha Maxkamadda Milimani , Marthaa Mutuko waxa ay amartay in Eedeysanayaashaasi muddo 30-cisho ah Xabsiga lagu sii hayo, tan iyo inta ay Baarayaasha Boliska Kenya ka soo dhamaystiri doonaan Kiiskooda.

Dhegeysiga Dacwadda shanta Eedeysane  ayaa la sheegay in dib loo dhegeysan doono bisha soo socota ee Feberaayo 18-da.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment