291 Views

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo lagu wado inay kulan gaar ah ka yeeshaan cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya la saaray 1992-dii,

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo lagu wado  inay kulan gaar ah ka yeeshaan cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya la saaray 1992-dii,
____________________________________________________________________________

Khamiis: NOVEMBER 17, 2022

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay kulan gaar ah ka yeeshaan cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya la saaray saaran 1992-dii, taas oo hadda muhiim u ah dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Ajendaha shirka oo ay soo gudbisay dowladda Ingiriiska oo heyso guddoonka Golaha ayaa soo bandhigtay wax ka beddel lagu sameynayo qaraarkan oo uu tirsigiisa yahay 751.

Golaha ayaa la filayaa inay dood adag ka yeeshaan arrintan, si Soomaaliya looga qafiifiyo xayiraadda dhanka hubka, si ay taageero iyo awood u helaaan ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Goluhu ay dib ugu cusbooneysiinayaan shaqada guddiga khubarada ee u xil-saaran la socodka cunaqabateynta Soomaaliya loona gaarsiinayo waqtiga howlgalkiisa 15-ka December ee sanadka 2023-ka oo loo diyaar garoobayo.

Dowladda federaalka ayaa horey QM uga dalbaday in dib u eegis ballaaran lagu sameeyo cunaqabateynta hubka si ay hesho taageero milatari, maadaama ay dagaaleyso Shabaab.

Intii lagu guda jiray booqashadii kooxda farsamada ee Golaha Ammaanka ku timid Miqdisho 16 ilkaa 27 July, mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay ku celiyeen codsigooda in laga qaado dalka cunaqabateynta hubka.

Si kastaba, Qaraarka ayaa u oggolaaday Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM), Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), hawlaha tababbarka iyo taageerada Midowga Yurub, Turkiga, UK iyo Mareykanka in ay taageero iyo tababarro siiyaan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post