921 Views

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha oo sheegay inay u badan tahay in haraaga gantaalka uusan waxyeello geysan

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha oo  sheegay inay u badan tahay in haraaga gantaalka uusan waxyeello geysan
____________________________________________________________________________

.

May 8, 2021

Inta badan haraaga gantaalka weyn ee Shiinaha ka soo fakaday ayaa la filayaa in uu dhulka dib ugu soo laabato Sabtida maanta ah, waxa uuna wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Wenbin sheegay inay u badan tahay in haraaga gantaalka uusan waxyeello geysan.

Gantaalkan wayn ee lagu magacaabo Long March-5b, oo ah sida gaari qaadi kara xamuulka, waxaa bishii la soo dhaafay loo diray saldhigga cusub ee Shiinaha uu ka sameystay Hawada Sare.

Balse, gantaalka oo ku soo wajahan dhulka, hadda waa la xakameyn waayay. Waa gantaalkii labaad ee ugu wayn ee la xakameyn waayay ee dhulka ku soo dhaca, 30 sano gudahood.

Meesha uu ku dhacdayo gantaalka “lama tilmaami karo ilaa laga gaaro saacadaha uu ku so beegan yahay dhulka ee 8-dda bisha oo maanta ku beegan.

Xawaaraha uu dhulka ku soo gali doono waxay ku xiran tahay sida hawada ay tahay, xaalado badan sida joogga sare ee dhulka ah, ayaana arrintaa sababi kara. Xogtaas weli si wanaagsan looma hayo.

Isaga oo ka hadlaya magaalada Beijing, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Wang Wenbin waxa uu sheegay in Shiinuhu uu si dhow ula socdo gantaalka oo intiisa badanna ay guban doono marka dib uu dhulka soo gaaro.

“Suurtagalnimada in gantaalka uu waxyeello ka geysto dhulka aad ayay u hooseeyaa,” ayuu yidhi.

Haddii gantaalka uu ku soo dhaco dhulka, gaar ahaana goob ay dad ku nool-yihiin, natiijada waxay noqonaysaa, sida diyaarad yar oo soo dhacaday oo weliba hawada ku soo burburtay, waxaa sidaasi sheegay Jonathan McDowell oo ka hawl gala xarunta Jaamcadda Harvard, oo la hadlay warbaahinta qaar.

Shiinaha waxaa lagu eedeynayaa in ay taxadar la’aan wayn tahay in la ogolaado in gantaal wayn uu dhulka ku soo noqdo isagoo aan la xakameyneynin. Balse dowladda Shiinaha waxay reer Galbeedka ku eedeysay dacaayad in ay ku wadaan gantalkan.

Gantaalka oo dherirkiisu yahay 30 mitir ayaa haatan dunida ku dul wareegaya, 90 daqiiqo kasta, xawaarahaas oo aad u sarreeya, sababayna inay khubarada cirbixiyeenaha ku adkaato in ay shaaciyaan halka saxda ah ee uu ku dhacayo.

Waxaa la sheegayaa in waxyaabaha xaaladda sii adkeynaya ee ay dunida ka walaacsantahay ay yihiin in Shiinuhu uusan dunida inteeda kale la wadaagin macluumaad ku filan oo la xiriira gantaalkaas.

BBC Laanteeda Afka Turkiga waxay qortay in diiwaanka lagu daray magaalooyiin ku yaalla Turkiga oo halis ugu jiri kara gantaalka Shiinaha.

Dr Hugh Lewis, oo ku taqasusay haraaga gantaallada looga soo tagay hawada sare, wuxuu sheegay in 60-kii sano ee la soo dhaafay in hawada sare laga buuxiyay qashin iyo jajabka gantallo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post