909 Views

Roobab ka da’ay Muqdisho oo gooyay qaar ka mid ah waddooyinka waaweyn

Roobab ka da’ay Muqdisho oo gooyay qaar ka mid ah waddooyinka waaweyn
____________________________________________________________________________

Roob mahiigaan ah oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa biyo dhigay inta badan waddooyinka waaweyn oo aan lahayn dhuumaha biyaha ka saara taasoo keentay inuu istaago gaadiidka dadweynaha.

Dadweyne faro badan ayaa lagu arkayaa iyagoo lugeynaya jidcaddeyaasha xaafadaha oo laftigooda uu biyo dhigay roobkii xalay. Roobka oo socday dhawr saacadood oo xiriir ah ayaa sidoo kale keenay inuu soo rogmado daad saamayn ku yeeshay xeryaha dadka gudaha ku barakacay.

Kuxigeenka maayarka Muqdisho Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in guri ku yaalla degmada Hawlwadaag uu dumay intii uu xalay roobku da’ayay isla markaana la badbaadiyay qoyskii gurigaasi daganaa kaddib markii loo gurmaday.

Maayar ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in booyado waaweyn loo diri doono waddooyinka xirmay si ay biyaha uga saaraan.

Roobka dayrta ayaa ka curtay Muqdisho iyo hareeraheeda taasoo baqdin weyn ku haysa boqollaalka kun ee qof ee gudaha ku barakacay ee ku jira xeryaha gudaha iyo daafaha magaalada ku yaala maadaama aanay haysan hoy ay ka gali karaan daadadka ka soo rogmada roobka da’aya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post