957 Views

Puntland oo gacanta ku dhigay Askari Dil iyo dhaawac geystay.

Puntland oo gacanta ku dhigay Askari Dil iyo dhaawac geystay.
____________________________________________________________________________

Sabti: October 2, 2021

Askari ka tirsan Ciidanka Maamulka Puntland ayaa fal isugu jiray dil iyo dhaawac dad shacab ah ugu geystay agagaarka daarta Gaaca ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kadib markii uu rasaas xoogan ku furay dadkaas.

Dad ku sugnaa meel ku dhow agagaarka daarta Gaaca ayaa ku warramay in falkan uu yimid, ka gadaal markii Askariga iyo Nin darawal ahaa uu dhexmaray muran kooban, kadibna uu rasaas ku furay darawalka, uuna goobta ku geeriyooday Ninka.

Sidoo kale rasaasta uu Askariga ka tirsan Ciidanka Puntland ku furay darawalka ayaa kusii dhacday qof shacab ah oo isna goobta ku sugnaa, waxaana qofak dhaawacmay la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Boosaaso.

Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa ka hadlay dhacdadaas xalay ka dhacday Magaalada Boosaaso, waxaana qoraal kasoo baxay Booliska tacsi loogu riday qoyska iyo Ehelada Marxuumka geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Ayaanle Jamac Cumar.

Taliska Booliska ayaa tilmaamay in laamaha amniga ay gacanta ku dhigeen Askariga falka geystay,  isla markaana ay ku socdaan baaritaano ku aadan dhacdada, ayna natiijada kasoo baxday la wadaagi doonaan shacabka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post