2085 Views

Golaha Shacabka Ansixiyay Xeerka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda

Golaha Shacabka Ansixiyay Xeerka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 05, 2018-Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta kulankooda caadiga ahaa wax ay ku yeesheen Magalada Muqdisho,iyaga oo ku ansixiyay xeerka xuquuqda Siyaasiyiinta dowladda.

Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxaana soo xaaadiray 170 Mudane.

Guddoomiye Mursal ayaa furitaanka kulanka kadib  ka dalbaday Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka Maxamuud Macalin Yaxye inuu akhriyo sharciga xaqsiinta Siyaasiyiinta Dowladda, si loo meel mariyo.

Intaasi kadib 167  Xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay 1 Xildhibaan ayaa diiday,halka  2 Xildhibaan ay ka aamuseen,waxaana Guddoomiyaha golaha Shacabka uu ka dhawaajiyay in Sharcigaas uu ansax yahay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment