1044 Views

Xukuumadda oo faahfaahisay ka bixisay Shirka golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho ka socda

Xukuumadda oo faahfaahisay ka bixisay Shirka golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho ka socda
____________________________________________________________________________

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda magaaladda Muqdisho ayaa galay maalintii 4aad, iyaddoo madaxdu ka arrinsanayaan qodobbada ajandaha shirka oo sii socon doona inta la isla meel dhigayo dhammaan qodobbada muhiimka ah ee la xiriira doorashooyinka dalka.

Waxaa wararka ku dhow dhow shirka ay sheegaya in dhinacadu ay wali isku mari la’yihiin cidda qaadaysa mas’uuliyadda guud ee amniga dalka.

Rooble ayaa si weyn ugu adkeysanaya in amniga dalka lagu wareejiyo si looga baaqsado ficilada Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhamaaday.

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xiggeenka wasaaradda Mudane C/raxmaan Shiikh Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in Shirka Golaha wadatashiga qaran uu ku socdo Jawi wanaagsan, islamarkaana qodobo badan la isla gartay, isaggoo rajo wanaagsan ka muujiyey in shirkaan uu kasoo bixi doono Qodobo muhiim u ah masiirka dalka iyo dardar gelinta Doorashada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post