636 Views

Ukraine oo ku eedeysay Ruushka in uu dagaalka soo gelinayo dal kale

Ukraine oo ku eedeysay Ruushka in uu dagaalka soo gelinayo dal kale
____________________________________________________________________________

Sabti: June 25, 2022

Xukuumadda Kyiv ayaa ku eedeysay Ruushka in uu dagaalka soo gelinayo dalka Belarus kadib markii Ukraine ay saaka sheegtay in Ruushka uu kasoo weeraray Belarus.

“Weerarka maanta wuxuu si toos ah ula xiriiraa tallaabada Kremlin-ka uu ku doonayo in dagaalka Ukraine uu soo geliyo Belarus si ay qeyb uga noqdaan,” ayuu yiri taliyaha guud ee sirdoonka Ukraine.

Wasaaradda gaashaandhigga Ukraine waxay sheegtay in subaxnimadii hore ee saaka gantaallo dhowr ah lala beegsaday magaalada Chernihiv kuwaas oo intooda badana uu Ruushka kasoo riday dhinaca Belarus.

Sidoo kale diyaaradaha Ruushka waxay duqeeyeen gobolka Kyiv iyo deegaanno dhaca bariga Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post