1371 Views

Madaxweynaha Puntland oo farriin u diray Dhalinyarada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Puntland oo farriin u diray Dhalinyarada Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 15, 2019–Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Xukuumadda ayaa dhallinyarada Soomaliyeed, gaar ahaan dhallinta Puntland ugu hambalyeeyey maalinta 15-Ka May oo ku beegan 76 guuradii kasoo wareegtey aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

 

“Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed, hambalyo dhallinta Puntland oo maanta ay u tahay sannad guuradii 76-aad ee aas-aaskii Ururkii gobonimo doonka ee SYL, Soomaaliya waxa halkan soo gaarsiiyey waa dhallinyaro dedaashey, mana jirto maalin uu dalkeenna idinkaga baahi badan yahay maanta, waa in aad dalka horumarkiisa ka shaqaysaan, Gacmaha isqabsataan, kuna baraarugsanaataan sidii aad horumar u gaari-lahaydeen, dalkana aad horumar u gaarsiin lahaydeen” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

 

 

 

Maalinta 15-ka May waxaa ay ku weyntahay ummadda Soomaaliyeed oo dhan, gaar ahaan tariikhda gobonimadoonka Soomaaliyeed, waana maalintii la aas-aasay ururkii SYL sanadku markuu ahaa 1943, kaas oo ay dhidibada u taageen 13 dhallinyaro Soomaaliyeed oo hadafkoodu ahaa sidii ummada Soomaaliyeed ay uga xoroobi laheyd Gumaystihii xilligaasi, arrintaas oo ugu danbeyn guul laga gaaray 1960.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa dhallinyaradii ururka SYL Alle uga baryey inuu dembigooda dhaafo, kuna abaalmariyo acmaashoodii wanaagsanayd iyo dhaxalkooda taariikhdu maanta xusayso ee ay dalkooda, dadkooda, diintooda iyo nafahoodaba u dhiteeyeen.

 

Ugu dambey, Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u istaagaan dalkooda oo ay badbaadiyaan mustaqbalkooda iyo midka jiilka soo-socdaba, si looga mira-dhaliyo hadafkii dhallintii u istaagtey sidii uu dalkan ku hagaagi lahaa, u xoroobilahaa, horumar u gaadhilahaa, nabad iyo xasilooni waartaa ugu waari lahaa

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment