246 Views

Xukuumadda Soomaaliya & DDS oo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka Al-shabaab

Xukuumadda Soomaaliya & DDS oo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 20, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo safar ku jooga Dowlad degaanka  ayaa la kulmay masuuliyiinta, waxgaradka, culamaa’uddiinka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Qabri Dahare.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa mar kale Madaxda iyo Shacabka DDS kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ballaaran ee ka dhanka kooxda Al-shabaab.

Reysul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Dowladdu ay awood ciidan iyo dhaqaalaba ay galinayso dagaalka Alshabaab, isagoo ka codasaday Madaxda iyo Shacabka Dowlad Degaanka iney ka garab siiyaan dagaalka.

Madaxweynaha DDS Mustafa Cagjar ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed xilligaan dhibaatada heysta kaliya ay tahay Al-Shabaab oo weeraro kala duwan ka geysta Gobolada dalka Soomaaliya muhiimna ay tahay in la’iska kaashado sidii looga saari lahaa Dalka.

Madaxweyne Cagjar ayaa ballan qaaday in Maamulka dowlad degaanka Soomaalida uu diyaar u yahay in dowladda iyo Shacabkaba ay ka caawinayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si culeyska looga dulqaado dadka abaaraha wajahaya ee lagu dul dagaalamayo.

Reysul Wasaare Xamze iyo Madaxweyne Cagjar ayaa hadalladaan ka sheegay xaflad lagu soo dhaweynayay wasiirka 1-aad ee Xukuumadda oo booqasho ku maraya Degmooyin ka tirsan DDS.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post