10182 Views

SHACABKA OO WAL WAL IYO WALAAC KA MUUJIYEY TAYADA CAANAHA GEEL.

SHACABKA OO WAL WAL IYO WALAAC KA MUUJIYEY TAYADA CAANAHA GEEL.
____________________________________________________________________________

Horaa loo yiri “nin aduunyo jogow, maxaa aragti kuu laaban”, hadaan noshahay wax badan oo aad layaabto ayaad arkaysaa.

Muqdisho | QOL | February 17, 2016 – Waxaa aad iyo aad looga DEYRIYEY TAYADA ama SAAFINIMADA Caanaha GEEL ee laga cabo Somaaliya, gaar ahaan Xamar, waxaana la sheegay in lagu sameeyo isbedelo badan oo qiimatiray tayada ama SAAFI NIMADA iyo dhadhanka caanaha Geela (the purity of the milk and the test).

Sida ay noo xaqiijiyeen Shaqsiyaad ka Ganacsan jiray Caanaha Geel iyo Darawaliin ka soo qaada Xarumaha la isugu geeyo caanaha ee u dhow deegaanada lagu dhaqo Geela, iyadoo si qarsoodi ah loogu farsameeyo caanaha si looga sameeyo Ganacsi joogta ah.

Hadaba shacabka sida joogtada ah u isticmaala caanaha Geel, waxay ka muujiyeen wal wal iyo walaac badan isbedelka lagu sameeyo SAAFINIMADA iyo DHADHANKA caanaha, waxaana la ogaaday in ay dadka ka Ganacsada Caanaha ay siyaabo badan u Farsameeyaan caanaha.

Qaabka ama siyaabaha kala duwan ee loo farsameeyo caanaha ayaa keeni karo CAFIMAADDARO iyo Dhibaatooyin halis ku ah shacabka, waxaana loo farsameeyaa caanaha, sifooyinkan kala duwan.

  • Marka Ganacsadada ay ka soo gataan Caanaha Xoola dhaqatada, way KAR KARIYAAN, waxaana lagu daraa MAGAAD iyo CALEEN SHAAH, Caanaha markii laga qaado dabka, waxaa lagu daraa Caano kale si loo badiyo, Caanahaas oo ah Caano ARI ama Caano BOORE.
  • Waxaa kale oo aad looga deyriyey weelasha lagu keeno Caanaha oo ah CAAGAGTA Saliid cadayda ka dhamaato, taasina waxay wax badan ka bedeshay dhadhanka iyo Saafinimada Caanaha.
  • Waxaa marlabaad sii kar kariya caanaha dadka Tafaariiqlayda ah ee ku gada Xaafadaha dhexdooda, taasina waxay sii dhaawacdaa Nafaqadii laga helilahaa Caanaha.
  • Waxaa la ogaaday in caanaha aysan lahayn dhadhankii lagu yaqiinay caanaha Geel, waxaa is bedela CARAFTII caanaha, waxaa isbedela nafadaqadii laga heli lahaa caanaha.
  • Dadka qaar waxay noo xaqiijiyeen in ay sababaan Caanahaas la farsameeyey CUDURADA kala ah DIBIRYO, GAAS, SHUBAN iyo LAABJEEX joogta ah.
  • Caanahan la farsameeyey markii ay SUUSACAAN waxay noqdaan BUR iyo BIYO aadna way u soo SHIIRAAN, markii ay noocan yihiin caanaha sifiican looma Qasikaro, waayo way adag tahay in si sahlan igu milmaan biyaha iyo caanaha fadhiya, sababtuna waa farsamada lagu sameyey oo bedeshay Saafinimadii ay lahaayeen markii laga soo LISAY HASHA.

Waa aduunyo GADAAL loo raray, weligeen ma arag Caana Geel oo la kar kariyo ama MAGAAD  lagu daro?, (ma TUBAAKAA), Caano intaas oo Farsamo la soo mariyey maxaa NAFAQO ah ee ay leeyihiin, waayo Caanaha Geel waan ognahay QIIMAHA ay u leeyihiin Bini’adamka, waana caanaha ugu ADKAYSIGA badan oo aan si dhaqso ah isku bedelin.

War iyo dhamaan, arimahan DAACAD DARADA ah ama KHIYAANADA ah ee ay sameeyaan dadkan ka Ganacsada caanaha Geel, waxay dhib culus ku hayaan umada, waxaana loo baahanyahay in laga qaado talaabo SHARCI ah, waxaase is waydiin mudan yaa Awood u leh in ay Xaqiijiyaan dhibaatooyinkan la soo sheegay, muxuuse  noqonkaraa XUKUNKA iyo GANAAXA dadkan?, waayo waa dad si kas ah u galay DAMBI ay si Cad ugu bareereen, qofka markuu Dambiga u galo si BAREER ah iyo si aan ku talo gal ahayn qofka isku Dambi ma aha.

Sida la xaqiiyey Ganacsatadan waxay ku nool yihiin guud ahaan gobolada dalka, wayna kala ra’yi qaataan habka loo dhici karo umada, waana nasiib daro wayn in ay dadka qaar suubiyaan arimahan, iyagoo sheeganaya in ay yihiin Muslimiin.

Waxaan leeyahay dhamaan Dowladaha Hoose ee Gobolada waa in ay si waafaqsan sharciga wax uga qabtaan arimahan, waayoo Somaalidu waxay tiraahdaa “balaayada waxay leedahay Madax laqabto ee malaha Majo laqabto”, oo macnaheedu yahay dhibaatada waxaa lagu joojin karaa in si dhaqso ah wax looga qabto.

Ugu dambeyn, Waxaan ka warsugaynaa cida Badin doonto CIIDANKA ilaalada deegaanka iyo Dadka Farsameeyo Caanaha, markii la isugu yimaado Garoonka CADAALADA.

.

.

Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment