222 Views

Xaalad Abaareed aad u adag oo ka taagan degaano badan oo ka tirsan Puntland

Xaalad Abaareed aad u adag oo ka taagan degaano badan oo ka tirsan Puntland
____________________________________________________________________________

Axad: July 24, 202

Miyiga degmada Bayla iyo deegaanaada hoos yimaada oo ka tirsan maamulka Puntland waxaa laga soo sheegayaa in abaarta ka jirta ay isu bedeli rabto macaluul, ka dib markii ay tiro badan oo dad ah ay ka le’edeen dhamaan xoolihii ay haysteen, kuwaas oo horseeday in ay u barakacaan oo ku xeroodaan tuulooyinka.

Tiro qoysas ah oo soo barakacay ayaa warbaahinta u sheegay in biyo la’aanta iyo dhulka ay deganayeen oo gaari ah ay naftooda uga cabsadeen in ay gaajo iyo haraad u dhinteen, maadaama xoolihi dabar go’een, sidaas daraadeedna ay tuulooyinka ku soo xaroodeen si ay naftooda u badbaadiyaan.

Waxay sidoo kale tilmaameen in ay ka welwel qabaan dad miyiga fog uga yimaadeen kuwaas oo aan awoodin in ay soo guuraan, oo magaalooyinka usoo dhawaadaan.

Gudoomiyaha degmada Bandar-Bayla Cabdirashiid Daacad iyo wafti uu hogaaminayo oo ka jawaabaya cabashada bulshada ayaa kormeer shaqo iyo u kuur-galid xaalada abaaraha iyo saamayntooda ku taggay Deegaanda kala ah Qoton, Sarmaan, Maygaag, Dharin-Baar iyo Bixin iyo miyiga hoos yimaada oo abaartu si adag u saamaysay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post