921 Views

Lyudmila Pavlichenko: Gabadhii shiishka badneyd ee uu ka cabsan jiray Hitler-kii jarmalka

Lyudmila Pavlichenko: Gabadhii shiishka badneyd ee uu ka cabsan jiray Hitler-kii jarmalka
____________________________________________________________________________

khamiis: November 4, 2021

Sheekadan waxa ay ku saabsan tahay gabar loo aqoonsaday inay aad ugu fiicneyd dhinaca toogashada. Waxaa lagu tilmaamaa inay tahay qofkii ugu shiikhka khatarta badnaa ee taariikhda soo maray, kaligeed ayayna wajahday ciidamadii Naasiga ee uu xukumayay kali taliyihii Jarmalka ee lagu magacaabi jiray Adolf Hitler.

Markii ay 25 jirtay, gabadhan oo lagu magacaabi jiray Lyudmila Pavlichenko, waxay dishay 309 askari oo ka mid ahaa ciidankii Hitler, walina way ka hor jeedday.

Xilligii uu sida xowliga ah u socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, sanadkii 1942-kii, Lyudmila Pavlichenko waxa ay tagtay Washington, inkastoo dadka khubarada ah qaarkood ay sheegaan in arrinta ku saabsan Lyudmila ay ahayd borabogaando ay adeegsan jireen midowgii Soviet. Maamulkii midowga soviet ayaa u diray Mareykanka.

Ujeeddadu ay u tagatay Mareykanka waxa ay ahayd inay gudbiso farriintii Ruushka uu ku dalbanayay in laga taageero dagaalka ka socday dhinaca Galbeedka Yurub, ama furintii Galbeedka Yurub.

Joseph Stalin, oo ahaa madaxweynihii Midowga Soviet ee waqtigaas, ayaa doonayay in ciidamada isbahasiga ah ay gudaha u galaan Yurub.

Safarkii Mareykanka

Stalin waxa uu doonayay inuu cadaadis ku saaro Jarmalka sidii ay u kala qaybin lahaayeen ciidamadooda, si markaas uu u yaraado culeyska saarnaa militarigii Midowga Soviet ee isbahaysiga qaybta ka ahaa.

Ujeeddadan Stalin uma aysan hirgalin ilaa saddex sano laga soo wareego. Inta ay isku dayadaas socdeen, Pavlichenko waxay gudaha u gashay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka.

Waxa ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee ka socda Midowga Soviet ee cagta saara Aqalka Cad, waxaana qaabilay madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas, Franklin Roosevelt.

Lyudmila Pavlichenko waxay safar ku martay guud ahaan waddanka iyadoo la socota xaaska madaxweynaha, Eleanor Roosevelt.

Waqtigan gudihiisa waxa ay heshay fursad iyo khibrad ay ugu biirto dagaalka iyadoo dumar ah, ayna gacan ka hesho Mareykanka.

Ku biiristii kooxda shiishka

Iyadoo da’ yar oo jirta 14 sano ayay Lyudmila Pavlichenko ku sugneyd magaalada Kiev ee dalka Ukraine, halkaasoo ay kusoo barbaartay iyadoo dhexda uga jirta ciidamo militari ah. Qoyskeeda oo Ukraine kasoo jeeday ayay halkaas kula nooleyd.

Sida uu qoraaga Henry Sakada ku xusay buuggiisa lagu magacaabo “Haweenkii halyeeyada ahaa ee Midowga Soviet”, Pavlichenko waxa ay mar kasoo shaqeysay warshad hubka sameysa.

Waxa ay markii dambe go’aansatay inay ku biirto kooxda shiishka u qaabilsan ciidanka, halkaas ayayna ka baratay sida loo isticmaalo hubka.

Intii ay Mareykanka booqashada ku joogtay, Pavlichenko waxa ay tiri: “Markii uu wiil xaafaddeenna jooga ku faano qori uu xabbad ka riday, waxaan dareemi jiray in gabdhahana sidaasoo kale looga baahan yahay inay sameeyaan. Sababtaas darteed ayaan wax badan u dadaalay.”

Maalmo kooban gudahood, Pavlichenko waxa ay baratay sida hubka loo isticmaalo. 22-kii bishii June ee sanadkii 1941-kii, Jarmalka waxa uu billaabay gowlgalkii lagu magacaabay Barbarossa. Waxaa howlgalkaas looga gol lahaa in uu Jarmalka ku galo dhulkii uu maamulayay Midowgii Soviet.

Tababarka militariga

Lyudmila Pavlichenko waxa ay go’aansatay inay ka tagto Jaamacadda Kiev oo ay ka baraneysay maaddada taariikhda, waxayna ku biirtay militariga si ay u difaacdo waddankeeda.

Markii ugu horreysay militariga way diideen inay xubin ka noqoto. Balse markii ay tustay xirfadda ay u leedahay toogashada iyo shiishka, waxaa la siiyay fursad ay ku muujiso awooddeeda.

Qoraaga Charles Strong ayaa buuggiisa lagu magacaabo “The Sniper in Action” waxa uu kusoo qaatay oraah ay Pavlichenko ku tiri: “Waxaan tababarka aasaasiga ah ee militariga ku qaatay iskuulka Kiev, halkaasoo aan shahaado kusoo qaatay.”

Markii imtixaanka laga qaadayay, Pavlichenko waxaa loo dhiigay qori, waxaana lagu amray inay toogato labo askari oo ka mid ahaa ciidankii Roman-ka ee ka shaqeynayay Jarmalka.

Pavlichenko si sahlan ayay u heshay shiishka, wax culeys ahna kuma noqonin. Arrintaas ayaa sabab u noqotay inay si buuxda ugu biirto militariga guutadiisa 25-aad.

Intii ay militariga ku jirtay waxa ay ka qayb qaadatay dagaalladii ka dhacay Giriigga iyo Moldova. 75-tii maalmood ee ugu horreysay ee ay dagaalka ku jirtay waxa ay kaligeed dishay 187 askari oo ka mid ahaa ciidankii Naaziga.

Kaddib markii ay wacdaro ka muujisay dagaalkii ka dhacay Odessa, oo ah koonfurta waddanka maanta loo yaqaanno Ukraine, waxaa loo diray gobolka Crimea si ay u gaqayb qaadato dagaalkii loo yaqaannay Sevastopol. Xilligaas waxa ay ahayd intii u dhaxeysay 30-kii bishii October, 1941-kii ilaa 4-tii bishii July, 1942-kii.

Dhowr jeer ayay dhaawacyo kasoo gaareen dagaalka Sevastopol, balse ma aysan kasoo tagin goobta dagaalka ilaa ciidamadii Naaziga ay dhaawac culus gaarsiiyeen, markaasoo ay waxyeello weyn ka gaartay wajiga.

Maadaama ay xirfad sare muujisay waxaa loo dallacsiiyay darajada labo xiddigle, waxayna billowday tababarka shiishka meesha fog ah. Maalmo yar kaddibna waxaa loo diray Washington.

Intii ay Mareykanka ku sugneyd waxa ay tiri: “Qof walba oo Jarmal ah oo maanta nool waxa uu dilayaa haween, carruur iyo dad waayeel ah. Sidaas awgeed ayaan dad badan noloshooda u badbaadinayaa anigoo dilaya Naaziga.”

Qof halyey looga aqoonsaday Midowga Soviet

Markii ay dib ugu laabatay Midowga Soviet, Pavlichenko waxa ay sidoo kale u safartay Britain, iyadoo raadineysa taageero dheeraad ah.

Kaddib markii la guddoonsiiyay abaalmarinta halyeeyada Midowga Soviet ee dhinaca dagaalka, waxa ay waxbarashadeeda ka dhammeysatay Jaamacadda Kiev, waxa ayna noqotay macallimad dhigta maaddada taariikhda.

Kaddib markii uu dhammaaday dagaalkii Labaad ee Adduunka, intii u dhaxeysay 1945-kii ilaa 1953-kii, waxa ay kasoo shaqeysay xarunta dhexe ee ciidamadii badda ee Soviet-ka. Markii dmabe waxa ay xubin firfircoon ka noqotay Guddiga Rugcaddaayada Dagaalka ee Midowga Soviet.

Waxa ay ka mid ahayd 2,000 oo askari oo kasoo qayb galay dagaalkii ay galeen ciidankii loo yaqaannay “Red Army” intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxa ayna nasiib u yeelatay inay ka mid noqoto 500 oo askari oo kasoo badbaaday dagaalkaas.

Laakiin dhaawacyadii soo gaaray kama aysan bogsanin. Waxay geeriyootay 10-kii bishii October ee sanadkii 1974-kii, iyadoo markaas ay da’deeda ahayd 58 sano.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post