789 Views

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo soo saray habraaca doorashada Aqalka Sare ee Somaliland

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo soo saray habraaca doorashada Aqalka Sare ee Somaliland
____________________________________________________________________________


Axad: September 19, 2021

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland. Hoos ka aqriso habraaca.

Habraaca Doorashada Aqalka Sare BFS (Somaliland)

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyagoo tixgelinaya Dastuurka KMG ee JFS, Habraacii doorashada dadban ee kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ee 2016kii oo saldhig u ah hannaanka doorashada kuraasta Aqalka Sare iyo heshiisyadii madasha Wada-tashiga Qaran ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021.

Iyagoo maanka ku haya muhiimada ay leedahay in la hirgeliyo doorasho hufan, xor iyo xalaal ah oo aan daahitaan lahayn, waafaqsanna Shuruucda, heshiisyada iyo habraacyada sare ku xusan. Waxay soo saareen hanaanka loo marayo dooorashada kuraasta Aqalka Sare ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Qodobka 1aad: 

Shuruudaha Murasharaxa Aqalka Sare Si waafaqsan Qodobka 58aad ee Dastuurka KMG ee JFS, Murashaxa u tartamaya BFS:

1. waa in uu yahay muwaadin u dhashay Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ka soo jeeda Somaliland, da’diisuna aanay ka yarayn 25 sano xiliga doorashada. 

2. Inuusan xuquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamadeed lagu hakin 5-tii sanno ee u dambeeyey ama aanay Maxkamaddi ku xukumin dambi 5-tii sanno ee u dambeeyey; 

3. Inuu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ah ama waayo aragnimo u dhiganta oo la xaqiijiyey, 

4. In lagu yaqaan dhaqan suuban iyo akhlaaq wanaagsan. 

5. Musharraxa u tartamaya Aqalka Sare ee BFS waa in uu ka soo-jeedo gobolka uu yaalo kursiga uu u tartamayo sida waafaqsan habraacii doorashada Aqalka Sare ee 2016. 

6. Musharaxiinta aan ka mid ahayn Golaha Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada aqal, waa in uu la yimaado warqadda dambi la’aanta oo ka soo baxday Waaxda Dambi Baadhista Booliska Soomaaliyeed, 

7. Murashuxu waa in uu bixiyey lacagta musharaxnimada ee lagu jaangooyey heshiiskii Madasha ee 22 August 2021. 

Qodobka 2aad: Habraaca Doorashada 

1. Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenku waxa ay si wada jir ah u soo saarayaan liiska xubnaha u tartamaya 11-ka kursi ee Xildhibaanadda Aqalka Sare ee ka soojeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee BFS. Waxayna liistada u gudbinayaan Guddiga Doorashooyinka Heer Somaliland (SEIT) si ay u asteeyaan goorta doorashada. Goobta doorashada kuraasta Aqalka sare ee Xildhibaanda ka soo jeeda Gobolada Waqooyi waxay noqoneysa Hanger-ka ciidamadda Cirka ee Afisiyooni. 

2. Ergo ka kooban 46 xubnood oo ka kala yimaada 23-da saxeexe (Oday dhaqameed) iyo 23 xubnood oo ay saxeexayaashu soo xuleen ayaa dooranaya xubnaha Aqalka Sare. 

3. Codbixintu waxa ay noqonaysaa mid sir ah oo ay maamulayaan Guddiga Doorashooyinka heer Somaliland (SEIT) korjoogtana ay ka yihiin Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal (FEIT) iyo Gudiga khilaafaadka. 

4. Haddii kursiga ay ku tartamayaan in ka badan labo murashax, waxa guulaysanaya murashixii hela 2/3 codadka ergada codsanaysa, haddii kale waxa loo gudbi karaa wareegga labaad ilaa saddexaad, 

5. Kursiga ay u tartamayaan labo musharax waxa lagu kala guulaysanayaa hal dheeri (50%+1) ee codadka ergada codaynaysa. 

6. Haddii kursi uu u tartamayo murashax kali ah, waxa loogu codaynayaa hab gacan taag ah, waxaanu ku murashuxu ku guulaysanayaa hal dheeri codka ergada (50%+1) 

Qodobka 3aad: Mabaadii guud 

1. Murashaxa u tartamaya kuraasta labada Aqal ee BFS ee haya xil dawladeed (ee aan hayn xubnaha golayaasha Qaranka ee mudo xileedkooda dhamaanayo) ama shaqaale dawladeed ahi waa in uu istiqaaladdiisa u gudbiya Guddiyada Doorashooyinka (SEIT iyo FEIT) 7 maalmood ka hor maalinta doorashada. 

2. Murashaxa u tartamaya Aqalka Sare mar labaad uma tartami karo Golaha Shacabka. 

3. Si looga hortago in bulshada dooranaysa wakiiladooda ku metelaya golayaasha qaranka la soo dhexgelayo laaluush, musuqmaasuq iyo eex, loona fuliyo shuruucda dalka ee la dagaalanka musuqmaasuqa iyo laaluushka, waxaa ka reeban dhamaan dadka ku lugta leh doorashada sida oday dhaqameedyada, gudiyada doorashada, gudiga xulista ergooyinka, ergooyinka wax dooranaya iyo murashaxiinta tartamaya adeegsiga nooc kasta oo laaluush iyo musuqmaasuq ah. 

4. Cid kasta oo lagu qabto ama ay ku cadaato qaadashada nooc kasta oo laaluush, musuqmaasuq iyo eex ah wuxuu gelayaa fal dembiyeed, waxayna gudoonka sare ee Doorashada Somaliland ka joojinayaan hawlaha doorashada, waxaana kiiskiisa lagu wareejinayaa hay’adaha garsoorka. 

M.ne Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS 

Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi
Gudoomiyaha Aqalka Sare BFS

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post