1344 Views

QM Oo Shacabka Soomaaliyeed U Rajeysay Ramadaan Nabad Ah

QM Oo Shacabka Soomaaliyeed U Rajeysay Ramadaan Nabad Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 06, 2019 –MSii-hayaha Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga ayaa salaan diiran u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed iyadoo ay bilanayso bisha barakeysan ee Ramadaan.

 

“Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo adduuka dacalladiisa u rajeynayaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo nabad ah,” ayuu yiri Md. Zenenga.

“Kani waa waqti muhim u ah sannadka oo ay qoysaska iyo bulshadu isu yimaadaan, ka fikiraan waxa dhab ahaan mecno u leh nolosha, una duceeyaan oo taageero u fidiyaan dadka danyarta ah. Sidoo kale waa waqti la heshiiyo la isna cafiyo.”

 

“Soomaaliya ha hesho farxad, nicmo iyo raynrayn bishan barakeysan ee Ramadaan – Ramadan kareen, Ramadaan wanaagsan.”

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment