615 Views

Ciidamada Azerbaijan oo qabsaday magaalo muhiim ah oo ka tirsan gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorno-Karabakh

Ciidamada Azerbaijan oo  qabsaday  magaalo muhiim ah oo ka tirsan gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorno-Karabakh
____________________________________________________________________________

Ciidamada Azerbaijan ayaa qabsatay magaalo muhiim ah oo ka tirsan gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorno-Karabakh, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaasi.

Ilham Aliyev ayaa ku dhawaaqday, khudbad dhanka telefishanka laga sii daayay Axadii, in ciidamada Azerbaijan ay qabsadeen Shusha, oo loo yaqaan Shushi oo ku taal Armenia.

Si kastaba ha ahaatee, Armenia ayaa beenisay qabsashada magaalada waxayna sheegtay in dagaalku socdo.

La wareegidda magaaladan istiraatiijiyadeed ee muhiimka ah waxay guul weyn u noqonaysaa Azerbaijan, oo ku jirta dagaalka ka socda dhulka lagu muransan yahay.

Nagorno-Karabakh waxaa caalamku u aqoonsan yahay in ay ka tirsan tahay Azerbaijan, laakiin waxaa xukuma qowmiyado Armeniyaan ah oo ay taageerto dowladda Armenia.

Dagaal u dhexeeya labada dal oo ku saabsan lahaanshaha gobolka ayaa dhammaaday sannadkii 1994, ka dib heshiis nabadeed, laakiin dhab ahaan ma jirin heshiis nabadeed.

Dagaallo cusub ayaa qarxay bishii Sebtember, iyadoo dhinac walba kan kale ku eedeeyay inuu ka dhashay rabshadda

Maxaa hadda halkaas ka socda? Wararka ugu dambeeya

Shusha waxay ku taallaa buuraha ka sareeya caasimada gobolka ee Stepanakert (oo loo yaqaan Khankendi ee Azerbaijan) waxayna jiiftaa wadada isku xidha magaalada iyo dhulka kale Armenia. Haddii la qabto waxay u noqon kartaa goob ay caasimadda ka weeraran.

Madaxweyne Aliyev wuxuu yiri “xoreynta” Shusha waxay “gali doontaa taariikhda dadka Azerbaijan”.

“Ma jirto awood caalami ah oo na celin karta,” ayuu yidhi, isagoo ballan-qaaday inuu dalkiisa dib u qabsan doono Nagorno-Karabakh.

Wareysi lala yeeshay ka hor dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Shusha, Mr Aliyev wuxuu u sheegay weriyaha BBC, Orla Guerin, in Armenia waqtigeedu gabaabsi yahay.

“Fursadaha ay ku heli karaan tanaasulka way sii yaraanayaan maxaa yeelay dhulkaas waxaan ku soo celinaynaa xoog,” ayuu yidhi.

Azerbaijan waxay si isdaba joog ah ugu sii siqeysay Nagorno-Karabakh toddobaadyadii la soo dhaafay, sida khariidadda BBC muujinayso, laga soo bilaabo 27-kii Oktoobar muujisay

Armenia, si kastaba ha ahaatee way beenisay in magaaladaa laga qabsaday. “Dagaalladii ka dhacay Shushi way sii socdaan, suga oo aamina ciidamadeena,” ayuu sarkaal ka tirsan wasaarada difaaca Armenia, Artsrun Hovhannisyan, ku qoray Facebook.

David Babayan, oo ah lataliyaha siyaasadda arimaha dibada ee madaxweynaha iskiis isu magacaabay ee Nagorno-Karabakh, Arayik Harutyunyan, ayaa BBC-da u sheegay: “Waxaan dhihi karnaa Shushi waa goob dagaal waxaana ku sugan ciidamo Azeri ah iyo kuwa Karabakh, oo iskula dagaalamaya dhisme walba.”

Kahor inta aanay shaacin Azerbaijan, afhayeenka wasaarada gaashaandhiga Armenia Shushan Stepanyan, waxay qortay in “dagaalkii ugu xumaa” uu ka dhacay agagaarka Shusha xilli habeen ah.

Waxay sheegtay in tiro askar Azerbaijan ah, taangiyo iyo gawaari kale ay ku burbureen dagaalka.

“Shusha waxay labada dhinacba u leedahay ahmiyad dhaqameed. Dadkeedu waxay u badnaayeen Azerbaijan kahor dagaalkii dabayaaqadii 1980-meeyadii iyo horraantii 1990-meeyadii, taas oo boqolaal kun ku qasabtay inay qaxaan.”

Armenia ahaan waa guriga Ghazanchetsots (Badbaadiyayaashii Barakaysnaa), oo ah goob astaan u ah Kaniisadda Rasmiga ah ee Armenia.

Dowladda Armenia waxay ku eedeysay Azerbaijan inay bartilmaameedsatay dhismahaas bishii hore.

Labada dhinacba way beeniyeen inay bartilmaameedsadeen dadka rayidka ah, laakiin waxay isku eedeeyeen in midka kan kale uu sidaas sameeyay.

Dhab ahaantii, illaa iyo hadda ma cadda inta dhimatay. Maamulka Nagorno-Karabakh ayaa sheegay in ku dhowaad 1,200 oo ka mid ah ciidamadooda difaaca ay ku dhinteen dagaalka, sidoo kale dad rayid ah ayaa halkaas lagu dilay ama lagu dhaawacay.

Azerbaijan ma aysan soo saarin tirakoobkooda askarta wax ku noqotay laakiin waxay sheegeen in inka badan 80 qof oo rayid ah lagu dilay dagaalka – oo ay ku jiraan 21 lala beegsaday duqeyn gantaal oo ka dhacay magaalada Barda, bishii hore.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa bishii hore sheegay in ku dhowaad 5,000 oo qof ay ku dhinteen dagaalka.

Dadku waxay isugu soo baxeen jidadka caasimada Azerbaijan ee Baku iyaga oo dabaaldegaya, oo yeedhinaya hoonka baabuurta, ku dhawaaqayana hal ku dhigyo iyo calanka qarankaasna lulaya.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo warisay in madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu u hambalyeeyay “walaalaha Azeri”, isaga oo u sheegay in dad isugu soo baxay gobolka Kocaeli ee Turkiga uu u maleynayo waxa ka dhacaya Shusha in ay sabab u tahay “astaan muujinaysa in inta kale ee dhulalka la haysto ah dhowaan la xoreyn doono”.

Azerbaijan waxay xulafo la tahay Turkiga, Mr Erdogan wuxuu balan qaaday in qarankiisa uu si buuxda u taageeri doono Azerbaijan.

Xigasho BBC  Somali.com

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post