771 Views

Muwadin Somali ah oo goor dhawayd lagu dilay Koonfur Afrika iyo Dilaagii oo la dilay

Muwadin Somali ah oo goor dhawayd lagu dilay Koonfur Afrika iyo Dilaagii oo la dilay
____________________________________________________________________________

April 22-2021

 Wararka ka imaanaya wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in goor dhawayd lagu dilay Halkaas Muwaadin  Soomaali ah.

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Cabdullahi Gacaney uu  dilkiisa waxa uu ka dhacay tuulada Khayelitsha oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Muwaadinkaan la dilay oo dhalinyaro ahaa ayaa la sheegay in lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi, xilli uu kuguda jiray howlihiisa shaqo maalmeed.

Sidoo kale Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi ayaa sidoo kale shaaciyey in isna toogasho lagu dilay ninkii dambeeyey falkaasi oo isku dayey inuu baxsado.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post