228 Views

Booliiska Shiinaha oo xiray weriyaha BBC ee Shanghai isagoo ka warramaya mudaaharaadyo ka dhan ah dowladda

Booliiska Shiinaha oo  xiray weriyaha BBC ee Shanghai isagoo ka warramaya mudaaharaadyo ka dhan ah dowladda
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 28, 2022

Booliiska Shiinaha ayaa xiray weriyaha BBC ee Shanghai isagoo ka warramaya mudaaharaadyo ka dhan ah dowladda oo ka dhacay dalka Shiinaha.

Ed Lawrence ayaa la xiray isaga oo soo tabinayo mudaaharaadkii ugu weynaa ee ka dhacay magaalada.

“Waa arrin aad looga walaaco in mid ka mid ah saxafiyiintayada sidan oo kale loo weeraray isagoo gudanaya waajibaadkiisa,” ayay tiri BBC-da.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in Mr Lawrence uusan soo bandhigin aqoonsigiisa saxaafadda.

Muuqaalo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay askar dhowr ah oo Mr Lawrence inta ay gacmaha qabteen ku dhufanaya dhulka.

BBC ayaa sheegtay in weriyaheeda ay boolisku garaaceen ka hor inta aysan katiinad gacanta uga xirin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post