336 Views

Israa’iil oo hoos u dhigtay digniinta safarka ee Istanbul, ka dib markii ay dawladdu sheegtay in ay fashilisay dilal qorshaysan oo Iran

Israa’iil oo  hoos u dhigtay digniinta safarka ee Istanbul, ka dib markii ay dawladdu sheegtay in ay fashilisay dilal qorshaysan oo Iran
____________________________________________________________________________

Talaado: June 28, 2022

Israa’iil ayaa hoos u dhigtay digniinta safarka ee Istanbul, ka dib markii ay dawladdu sheegtay in ay fashilisay dilal qorshaysan oo Iran ay ku bartilmaameedsanaysay Israa’iiliyiinta halkaas jooga.

Horaantii bishan Israa’iil waxay uga digtay muwaadiniinteeda inay si deg deg ah uga baxaan magaalada Istanbul, iyadoo sheegtay in hawl-wadeennada Iran ay keeneen “khatar dhab ah oo degdeg ah”.

Dhowr maalmood ka dib sirdoonka Turkiga ayaa sheegay in ay joojiyeen weerar ay Iiraan ku qaadday safiirkii hore ee Israa’iil, xaaskiisa iyo dhowr kale oo Israa’iiliyiin dalxiisayaal ah.

Golaha Amniga Qaranka ee Israa’iil ayaa ku adkaystay in inkasta oo khatarta hadda la dhimay, ay tahay in Israa’iiliyiintu ay wali ka fogaadaan safarka aan muhiimka ahayn ee Turkiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post