906 Views

Xaasaska Askartii geeriyootay oo sheegay in Mushaarkii laga jartay

Xaasaska Askartii geeriyootay oo sheegay in Mushaarkii laga jartay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 4, 2020 –Qaar ka mid ah Xasaska Askartii u geeriyootay difaaca dalka Sanadyadii lasoo dhaafay ayaa maanta banaanbax ka dhigay Iridda Xarunta Madaxtooyadda Qaranka.

 

Waxa ay sheegeen in 15-kii bilood ee lasoo dhaafay aysan qaadan wax mushaar ah.

 

 

 

Waxa ay xuseen in dhammaan laga soo xirtay Xafiisyada dowlada, islamarkaana Madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya ay Al-baabada kasoo xirteen.

 

Xaasaska Askarta waxa ay sheegeen in guryihii ay deganaayeen laga saaray, sidoo kalena hadda aysan heysan wax ay raashin ku iibsadaan.

 

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayay ugu baaqeen in ay ka jawaabaan Cabashooda.

 

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa inta badan sheegga in ay bixiyaan xuquuqda Askarta u dhimata difaaca Qaranka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment