618 Views

Wasiir Beyle oo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka

Wasiir Beyle oo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka
____________________________________________________________________________

Khamiis:March 24, 2022

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya , Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa magaalada Washington kulamo kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda maaliyadda Mareykanka iyo Waaxda arrimaha dibeddda, iyagoo ka wada hadlay arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya, barnaamijka deyn cafinta iyo taageerada dhanka soo kabasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda dhammaystirka doorashada dalka si loo sii xoojiyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee socda iyo si loo gaaro dhammaystirka barnaamijka Deyn cafin Soomaaliya marka laga gaaro barta dhammaystirka (Completion Point-ka).

“Waxa aan Washington kulamo kala duwan kula yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha dibedda iyo Hay’adda gargaarka ee USAID.

Waxa aan diiradda wadahadalka ku saarnay arrimo ku saabsan dadaalada Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta iyo hufnaanta hanaanka Maamulka Maaliyadda dalka.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Mas’uuliiyiinta ka socday Waaxda Maaliyadda Mareykanka iyo tan arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ballanqaaday in ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay kala shaqayn doonaan horumarka dhaqaalaha iyo sii wadid arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeybgalay xubno ka tirsan Hey’adda horumarinta calaamiga ah ee USIAD oo Soomaaliya ka fulisa mashaariic kala duwan oo dhanka dowlad wanaagga, Waxbarashada iyo shaqa abuurka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post