1152 Views

Ciidamada Ahlu Sunna oo weerar ay ku qabasadeen gaari dagaal kusoo qaaday Dhuusamareeb

Ciidamada Ahlu Sunna oo weerar ay ku qabasadeen gaari dagaal kusoo qaaday Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Isniin: March 7, 2022

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay weerar ay soo qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa weerarkaan ku dilay Laba Askari oo ka tirsan ciidamada Gorgor oo ay horey halkaas u geysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay ka tirsan yihiin xoogaga Ahlusunna, isla markaana weerarka kadib ay horay usii qaateen Gaari Cabdi Bille ah oo ay la aadeen dhinaca degaanka Bohol.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Galmudug, Gaariga Cabdi Billaha ah ayaa markii hore laga soo qaatay xoogaga Ahlu Sunna balse dib ayey ula wareegeen, iyaga oo dilay qaar kamid ah askartii wadatay Gaariga.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Afhayeenka Maamulka Caasimadda Dhuusamareeb Bashiir Maxamed Salaad Sanka ayaa sheegay in Dilka askarta qaranka ee ka dhacay Dhuusamareeb uu yahay mid argagixiso lagu yaqaanay kooxda Al-Shabaab.

” Ciidanka amniga Dhuusamareeb oo ka jawaabaya falkaan foosha xun ayaa ku howlan soo qabashada kooxdan arxanka daran, cid walba oo qeyb ka ah ama wax ka fududaysayna sharciga ayaa la horkeeni insha’allah. Qiil dambe maharin iyo diintoo lagu qaraabtaaye”  ayuu ku yiri qoraal uu shaaciyay afhayeenka.

laamaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaan weli faah faahin ka bixin falka dilka Askarta Maalinta cad loogu geystay Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Galmudug.

Ciidamada Ahlu Sunna oo dagaal looga soo saaray Magaalada Guriceel ayaa saldhig weyn ka sameystay gudaha deegaanka Bohol oo aan sidaas uga fogeyn Dhuusamareeb.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post