957 Views

Madaxweynihii dalka, Wasiir Fiqi iyo Gudoomiyihii hore Thabit Cabdi oo soo dhaweeyay Wasiirka Cusub

Madaxweynihii dalka, Wasiir Fiqi iyo Gudoomiyihii hore Thabit Cabdi oo soo dhaweeyay Wasiirka Cusub
____________________________________________________________________________

Khamiis: September 9, 2021

Waxaa saacdihii la soo dhaafay soo baxayay Hambalyo ku aadan Wasiirka Amniga Qaranka C/llaahi Nuur oo saakay la wareegay Xilkaas, Waxaana siyaasiyiin caan ah ay ugu hambalyeeynayeen arintaas Raisal Wasaare Rooble.

Madax iyo siyaasiyiin uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi, Mahad Salaad iyo Wasiir Fiqi ayaa si weyn Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha ee dalka, ugu Hambalyeeyay Wasiirka Cusub Xilkaas.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii xilka cusub ugu hambalyeey Cabdullaahi Maxamed Nuur, isagoona dalbaday in si wadajir ah loola shaqeeyo guud ahaan hay’addaha amniga si loo gaaro xasilooni guud.

Duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay hortaallo wasiirka cusub mas’uuliyad culus oo ay qeyb ka tahay dardar-gelinta amniga doorashada dalka xiligan xasaasiga ah.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Wasiirka cusub, isagoona garab istaag u muujiyey, islamarkaana u rajeeyay in Allaha la garab galo.

Sidoo kale Wasiirka ammniga Galmudug Fiqo ayaa sidoo kale Hambalyo u diray Wasiirka Cusub oo ay dhamaantood yihiin saaxiibo isku dhaw.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post