681 Views

Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Yemen oo tagay Iran waxaana uu madaxda dawlada Iran kala hadlayaa xal u helida dhibaatada Yemen ka taagan.

Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Yemen oo  tagay Iran waxaana uu madaxda dawlada Iran kala hadlayaa xal u helida dhibaatada Yemen ka taagan.
____________________________________________________________________________

 

Axad February 7, 2021

Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha dalka Yemen ayaa maanta tagay caasimada dalka Iran ee Tehran waxaana uu madaxda dawlada Iran kala hadlayaa xal u helida dhibaatada Yemen ka taagan.

Warbaahinta dalka Iran ayaa baahiyay muuqaalka wasiirka arrimaha dibbadda dalkaas oo soo dhawaynaya Martin Giriifits oo ah wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha dalka Yemen.

Wararku waxay sheegayaan in ujeedka safarka waftiga Q,M uu yahay inay madaxda Iran ka dhaadhiciyaan ka qeyb qaadashada xal u helida colaada Yemen ka taagan mudada ,sanno ah.

Wasaaradda arrimaha dibbadda Iran war laga soo saaray ayaa lagu sheegay in xubnahaan Q,M ka socda ay la kulmi doonaan madaxda ugu saraysa dawlada si gaar ah m/weynaha iyo hogaamiyaha diinta.

Iran waxay ka mid tahay dawladaha sida weyn ugu lugta leh colaada Yemen ka jirta waxaana ay taageero dhan walba ah siisaa kooxda shiicada ah ee Xuutiyiinta la yiraahdo.

In ka badan 200 kun oo ruux ayaa la aaminsanyahay inay ku naf waayeen dagaalka Yemen malaayiin kalena ku qaxeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post