420 Views

Puntlan oo dil toogasho ah ku xukuntay shabakad ka tirsan Al-shabaab

Puntlan oo dil toogasho ah ku xukuntay shabakad ka tirsan Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Talaado: June 21, 2022

Maxkamada darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee maamulka Puntland ayaa ugu danbeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntey 4 kamid kooxda Alshabaab kuwaas oo ahaa Shabakaddi dilalka madax jabinta iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, sida ay ku dhawaaqday maxkamaddu.

Ragga maanta ay maxkamaddu dilka toogashada ah ku xukuntay ayaa magacyadooda waxa ay kala yihiin
Jaamac aadan tusbaxle, Ayuub Cumar shire, Abdulahi salaad boos, iyo Maxamuud abshir muuse olyo kuwaa oo dhammaantood ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda ee shanta gobol iyo danbiyada calculus ee maamulka Puntland.

Sida ay sheegtay Maxkamaddu waxaa iska kaashaday sooqabashada dambiilayaashaan Ciidanka police,ka Gobalka bari iyo Ciidanka PISF ee uu xukumo general lagu magacaabo aamiin Xaaji khayr.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post