591 Views

Doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu qabtay Garoowe

Doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu qabtay Garoowe
____________________________________________________________________________

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Puntland ayaa Maanta Magaalada Garoowe waxaa ay ku qabteen doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay degaannada Puntland.

Doorashada ayaa waxaa meesha laga saaray dhamaan Xildhibaannadii horay ugu fadhiyay kuraastaas, waxaana Maanta ku tartamay oo kusoo baxay Xildhibaano cusub, waxaana kuraasta Maanta la doortay ay kala yihiin.

Hop-192 oo ay horay ugu fadhisay Saciido Maxamed Xasan, waxaana Maanta ku guuleystay Maxamed Faarax Nuux oo helay 91 cod halka musharrixii la tartamayay ee Ruwayda Maxamuud Maxamed ay heshay 1 Cod , 2 Codna way xumaadeen.

Kursiga labaad ee Hop-94 oo uu horay ugu fadhiyay Axmed Ismaaciil Shabeel ayaa loo bedelay kursi Haween, waxaana ku tartamay Sahra Cabdillaahi Cigaal iyo Fardowso Maxamed Aadan, waxaa ku guulaystay Kursigaan Sahra Cabdilaahi Cigaal oo heshay 87 Cod halka Fardowso Maxamed Aadan ay heshay 3 Cod , 7 Codna way khasaareen.

Kursiga Saddexaad ee Hop121 oo ay ku fadhisay Canab Xasan Cilmi ayaa waxaa ku guuleysatay  Farxiyo Yuusuf Cumar, kadib markii ay tanaasushay Nimco Cumar Cabdi, waxaana Cod gacan taag ah loogu codeeyay Farxiyo Yusuf Cumar oo heshay dhamaan Ergada oo gaareysay 101 Ergo.

Kursiga Afaraad ee Kursiga Hop-014 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay ku fadhiday Sacdiya Careys Ciise ayaa waxaa ku tartamay Daa’uud Cabdikariin Sheikh Cumar iyo Cabdirisaaq Axmed Xuseen, waxaa ku guulaystay Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar oo helay 90 Cod halka Cabdirisaaq Axmed Xuseen uu helay 3 Cod, 7 Codna way xumaadeen.

Kursiga Shanaad ee hop-174 oo uu ku fadhiyay Burhaan Aadan Cumar ayaa waxaa Maanta Cod Gacan taag ah ku guulaysatay Khadra Axmed Maxamed ka dib markii ay tanaasuahay leyla Cabdi Faarax oo la tartami laheyd.

Kursigablixaad ee ugu dambeeyay doorashada Maanta lagu qabtay Magaalada Garoowe ee hop-75 oo ay horay ugu fadhisay Ikraan Yuusuf Xirsi ayaa waxaa Cod gacan taag ah ku guulaystay Cabdiqani Maxamuud Maxamed ka dib markii uu u tanaasulay Axmed Cabdiraxmaan Cilmi.

Ergada fadhiday oo ahayd 101 ayaa waxaa Cod gacantaag ah ay ugu Codeeyeen Cabdiqani Maxamuud Maxamed oo helay 98 Cod, 1 Qof uma uusan Codayn halka 2 Qofna ay ka Aamuseen.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Garoowe lagu qabto doorashada Xildhibaano kale oo katirsan Golaha Shacabka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post