975 Views

Maxkamada Gobolka Banaadir oo xirtay kiis dacwaddeedkii horjooge Cabdirashiid Janan

Maxkamada Gobolka Banaadir oo xirtay kiis dacwaddeedkii horjooge Cabdirashiid Janan
____________________________________________________________________________

April 06, 2021

Dowladda Soomaaliya ayaa  xirtay  dacwaddii loo haystay Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan, kaasoo dhowaan heshiis nabadeed la galay dowladda.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud oo soo saaray go’aanka lagu xiray kiiska dacwadda Janan ayaa u cuskaday Danta guud ee caddaalada laga leeyahay.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo Janan dacwaddiisu iyo amar soo qabashadiisu ay taalay, ayaa aqbashay go’aanka lagu xiray kiiskaas.

Sanadkii 2020 wasiir Janan ayaa mar galay gacanta dowladda, waxaana lagusoo oogay dambiyo dagaal oo ay kamid yihiin inuu ku lug lahaa dilalka dad shacab ah oo lagu laayay gobolka Gedo.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post