816 Views

Ruushka oo laga helay hergebka shimbiraha nooc cusub H5N8 kaas oo la sheegay in u gudbay banii’aadanka.

Ruushka  oo laga helay   hergebka shimbiraha nooc cusub H5N8 kaas oo la sheegay in u gudbay banii’aadanka.
____________________________________________________________________________

February 21, 2021

Ruushka ayaa markii ugu horreysay diiwaangeliyay kiisas ku saabsan hergebka shimbiraha nooc cusub oo la yiraahdo H5N8 kaas oo la sheegay in u gudbay banii’aadanka.

Saraakiisha waxay sheegeen in toddobo qof oo ka shaqeyneysay xarun lagu xannaaneeyo digaagta oo ku taalla koonfurta dalkaas laga helay cudurka kadib markii uu ka dilaacay bishii December halkaas.

“Xaaladda 7 qof wey fiican tahay” ayay tiri Anna Popova oo ka tirsan saraakiisha caafimaadka dalkaas.

Waxay intaas ku dartay in la qaaday tallaabooyin deg deg ah si looga hortaggo fiditaanka cudurka.

“Ma jirto astaan muujineyso in banii’aadanka uu isku gudbin karo cudurkan” ayay tiri Anna.

Waxay intaas ku dartay in kiisaska loo gudbiyay Ha’yadda Caafimaadka Adduunka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post