711 Views

Maamulka iyo waxgaradka degmada Marka oo ka wada hadlay adkaynta amniga

Maamulka iyo waxgaradka degmada Marka oo ka wada hadlay adkaynta amniga
____________________________________________________________________________


Talaado: April 5, 2022

Guddoomiyaha degmada Marka, Cabdillaahi Cali Axmed Waafoow ayaa sheegay inay muqaddas tahay sugidda ammaanka magaalada Marka cid kastana uu xil ka saaran yahay, isagoo bulshada qeybaheeda kala duwanna ka codsaday inay kala shaqeeyaan adkaynta nabad gelyada iyo is-dhexgalka.

Mudane, Waafoow oo ka hadlay kulan ku aaddanaa sugidda amniga iyo xaaladda dadka barakacayaasha oo lagu qabtay magaalada Marka ayaa Odayaasha iyo wax garadka degmada ugu mahad celiyay garab istaagga iyo wada shaqaynta ay u muujiyeen.

Guddoomiyaha degmada Marka, Cabdillaahi Cali Axmed Waafoow ayaa si weyn ugu adkeeyay in laga wada shaqeeyo is-dhexgalka bulshada iyo sidii amniga loo adkayn lahaa maaddaama lagu gudo jiro bil Ramadaan.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii wax loogu qaban lahaa dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Marka iyo daafaheeda, kuwaas oo ay saamaysay abaarta ku dhufatay qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post