1194 Views

Dadkii Qafaashay Dhakhaatiirtii Kuuba Oo La Sheegay Inay Codsadeen Lacag Madax-Furasho Ah

Dadkii Qafaashay Dhakhaatiirtii Kuuba Oo La Sheegay Inay Codsadeen Lacag Madax-Furasho Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 16, 2019–Odayaal dhexdhexaadin ka galay Labada Dhakhtar ee u dhashay dalka Kuubaa ee bishii hore laga soo afduubtay magaalladda Mandhera ee W/bari Kenya ayaa sheegay in dadka afduubka u haysta Dhakhaatiirtaasi codsadeen in la siiyo Lacag madax-furasho, si ay u sii daayaan Dhakhaatiirtaasi.

Odayaashaasi oo la hadlay TelefishinkaThe Citizen ee dallka Kenya waxay sheegeen in dadka qafaashay Dhakhaatiirta dalbadeen in la siiyo lacag dhan 150 million oo Shillinka Kenya oo u dhiganta 1.5 million oo Dollar,  si ay u sii daayan Labada Dhakhtar.

 

Dhinaca kale, Telefishinka Citizen waxa uu ka soo xigtay Odayaashaasi inay sheegene inay Labada Dhakhtar oo lagu kala magacaabo Herera Korea iyoLandy Rodriguez  ay nool yihiin, isla markaana lagu hayo dhulka fog ee u dhexeeya magaallooyinka Bu’aale iyo Ceel-cadde ee Jubbaland, waa sida uu TV-ga baahiyey.

 

Labadaasi Dhakhtar waxaa bishii Aprril 12-dii ee sannadkan laga soo qafaashay  Degmadda Mandheera, xilli ay ku sii jeedeen Isbitaalkii ay ka hawl-geli jireen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment