1308 Views

Malaayiin Mareykan ah oo lagu Amray iney Guryahooda Joogaan

Malaayiin Mareykan ah oo lagu Amray iney Guryahooda Joogaan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Sabsti   , March 21, 2020 —Malaayiin Mareykan ah ayaa guryahooda ku sugan Sabtida maanta ah ka dib amar ay ka heleen mas’uuliyiinta gobolladooda iyo dowladaha hoose taasoo lagu amrayo ineysan guryahooda ka bixin.

 

Waxaa loo ogol yahay kaliya iney u baxaan arrimaha daruuriga ah sida iney tagi karaan farmashiyeyaasha, suuqyada waaweyn ee raashinka, iyo goobaha shidaalka lagu iibiyo.

 

 

 

Dadka degan gobollada California iyo New York ayaa lagu amray in ay gurigooda joogaan taasi oo looga dan leeyahay in lagu yareeyo faafitaanka COVID-19, oo ah cudur soo rita bukaano badan maalin kasta.

 

Dadka deggan gobolka Illinois ayaa gelinka danbe ee maanta oo Sabti ah bilaabi doona hergelinta amarka ah iney guryahooda joogaan.

 

Tirada guud ee dunida oo dhan ee cudurka COVID-19 ayaa maanta oo Sabti ah mareysa 275 kun oo kiis sida ay ku warameyso xarunta la socodka Coronavirus u qaabilsan Jaamacadda Johns Hopkins.

 

Gobollada New Jersey iyo Oregon ayaa laga yaabaa iney iyana soo saaraan amarka dadka lagu amrayo inay guryahooda joogaan dagaalka lagula jiro viruska carqaladeeyay nolosha dunida oo dhan dartiis.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment