3078 Views

Akhriso: Nuxurka Khudbadihii ay jeediyeen madaxda maamul goboleedyada

Akhriso: Nuxurka Khudbadihii ay jeediyeen madaxda maamul goboleedyada
____________________________________________________________________________

Kismaayo | QOL | September 04, 2018 – Axmed Maxamed Islaam madaxweyaha Jubbaland ayaa furay shirka madaxda dowlad goboleedyada oo ka duwan shirarkii hore ee ay yeelan jireen madaxda maamulada.

Axmed Madoobe, oo ay ka muuqatay caro badan, ayaa ka sheekeeyay dhibaatada maamul goboleedyada ay kala kulmaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka dhawaajiyay in madaxda ay ku mashquulsan yihiin curyaaminta dowlad goboleedyada iyo sidii ay kusoo laaban lahaayeen markale.

Wuxuu sheegay in Jubbaland aysan dhaqaalo ka helin Dowladda Dhexe muddooyinkii ugu dambeeyay, haddana loogu daray dhibaatooyin curyaamin uu ku tilmaamay oo lagu hayo madaxda dowlad goboleedyada.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in meel xun uu gaaray ammaanka dalka Soomaaliya wuxuuna u sababeeyay inaan la fulin balamihii dhanka amaanka iyo heshiisyadii horey loo gaaray.

Guddoomiyaha madaxda ay ku mideysan yihiin maamulada ahna madaxweynaha Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay iska wareysanayaan waxyaabaha ka dhaqan galay heshiisyadii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka.

Wuxuu soo hadal qaaday mushaar la’aanta, daryeel la’aanta iyo ka warqab la’aanta ciidamada dowlad goboleedyada oo aan loo daryeelin sida loo daryeelo ciidamada ku sugan Muqdisho, sida u hadalka u dhigay.

Gaas ayaa sidoo kale hadlay arrimaha doorashooyinka soo socdo ee dhacaya 2020, wuxuuna rajo ka muujiyay in doorasho ka dhacdo Somalia, balse loo baahan yahay inay la socdaan doorashada dhaceyso oo qolo gaar ahaaneed aysan soo diyaarin.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo hadalkiisa ku bilaabay xasuusinta Somalia sida ay aheyd iyo meesha ay hadda taalo, ayaa hadalkiisa wuxuu u badnaa guubaabo iyo dib u eegidda halka Somalia ku socoto.

Wuxuu sheegay in dad gaar ahaaneed ay isbideen inay leeyihiin talada dalka, taasi oo caqabad badan dhalisay, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in laga fakaro halista hortaala dalka Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay amaanka, wuxuu tilmaamay in halis amaan ay ka jirto dalka Soomaaliya, taasi oo ah in ruux walbaa uu ka fakaro sida uu ammaan isagoo ah uu ugu soo laaban lahaa hooygii uu ka baxay.

Shariif Xasan Sheikh Aadan madaxweynaha Koofur Galbeed wuxuu hadalkiisa u muuqday mid siyaasadeysan, umana hadlin sidii ay u hadleen Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Maxamed Cabdi Waare.

Dhibaatada ugu badan ee dalka ka jirto ayuu ku sheegay dhanka amaanka, wuxuuna ku baaqay in laga fekero dib u eegista waxyaabaha u qabsoomay madashooda iyo waxyaabaha ka qaldamay.

Wuxuu si cad u sheegay in madaxda maamul goboleedyada aysan isku aragti ka aheyn sida loola dagaalami karo Al Shabaab, loona baahan yahay in marka ugu horeysa madaxda maamul goboleedyad ay isku aragti ka noqdaan sida Al Shabaab looga saari karo dalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in la isku hagrado la dagaalanka Al Shabaab, wuxuuna dowladda ku eedeeyay inay xitaa ugu yaraan ka taageerin rasaasta, cunnada iyo daawada ay u baahan yihiin ciidamada la dagaalamaya Al Shabaab.

Maamul goboleedyada ayuu ku eedeeyay inaysan sax u aheyn in nidaamka federaalka ay ku hayaan kaliya caasimadaha oo looga baahan yahay inay gaarsiiyaan deegaanada kala duwan ee dalka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo isna goobta ka hadlay ayaa soo hadal qaaday  muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiinta, wuxuuna sheegay in dib u heshiisiintii ugu dambeysay ee uu ka qeyb galay ay aheyd tii dhexmartay Galmudug iyo Ahlu sunna.

Wuxuu sheegay inuusan helin qof kaga mahadceliso dadaalkii uu sameeyay laakiin badalkeeda madaxda dowladda ay ku abaal mariyeen sidii isaga xilka looga qaadi lahaa oo aanan suuro galin, sida uu sheegay.

Madaxweyne Xaaf, wuxuu rajo xumo ka muujiyay dhameynta dastuurka Qabyada ah iyo xaaladaha amaanka ee ka jira dala Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya inay ku mashquulsan yihiin xil ka qaadis iyo dagaal ka dhan ah maamul goboleedyada.

Xaaf, ayaa sidoo kale sheegay in lagu mashquulay oo kaliya xil ka qaadista dadka aysan dooneyn madaxda maamul goboleedyada taasi oo caqabad ku ah horumarka Soomaaliya.

Guddiga Adeega Garsoorka ayuu soo hadal qaaday, isagoo ku taliyay in madaxda maamul goboleedyada ay  la yimaadaan afar xubnood oo ay si wanaagsan u eegeen tayadooda, afarta kalana ay keento dowladda Soomaaliya.

Senetaro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulanka kusugan sida uu sheegay C/Welli gaas, waxaa sidoo kale kulanka ku sugnaa Micheal Keating wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, oo waqtigiisa shaqada uu gabaabsi sii marayo.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment