588 Views

khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bambaanooyin oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Janaale

khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bambaanooyin oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Janaale
____________________________________________________________________________

Axad: October 10, 2021

 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bambaanooyin oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Bambooyinka oo ahaa nuuca Gacanta laga tuuro lala beegsaday bar-koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin gudaha deegaankaasi.

Ku dhawaad 3 askari oo ka tirsan Ciidamadii goobta joogay iyo Wiil caruur ah oo goobta joogay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen goobta.

Sidoo kaler Askarta geeriyootay ayaa waardiye ka hayey koontaroolka uu xalay weerarka ka dhacay, waxaana goor dambe meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post