3849 Views

Qaraxyo khasaare geystay oo ka dhacay Baydhabo

Qaraxyo khasaare geystay oo ka dhacay Baydhabo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 13, 2018 —Laba qarax oo is xig xigtay ayaa maqribnimadan caawa ah waxa ay ka dhaceen bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, sida ay Idaacadda Risaala u sheegeen masuuliyiinta Koonfur Galbeed.

Qaraxyadan oo daqiiqada un kala horeeyay ayaa waxa ay ahaayeen ismiidaamin ay kala fuliyeen rag isku soo xiray suumanka qarxa, qaraxyadan ayaa waxaa lagu kala weeraray maqaaxiyaha Bilan iyo Beder oo ku yaalla bartamaha magaalada Baydhabo.

111

Ilaa hadda khasaaraha dhabta ah lama xaqiijin karo, goobta ay qaraxyada ka dhaceen waxaa si deg deg ah ku gaaray gaadiidka gurmadka ee ambalaasta, si ay halkaasi uga soo qaadaan dadka ku waxyeeloobay qaraxyadaasi.

Wariyaha Risaala ee magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in Todobo qof ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay maqaaxida Bilan, kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab.

Masuuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen inay wadaan u gurmashada dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadan, dibna ay ka faah faahin doonaan khasaaraha weeraradan.

Qaraxyadan waxay ku soo aadeen xilli galabta magaalada Baydhabo kulan taageero uu ku qabsanayay musharax madaxweyne Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Qaraxyadan ayaa muujinaya heerka amni ee magaalada Baydhabo iyada lagu guda jiro abaabulka iyo diyaar garowga ku aadan doorashada la qorsheeyay inay dhacdo 17-ka November ee sanadkan.

 

112

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment