990 Views

Sacuudiga oo Noqday Dalkii ugu horeeyay ee ka Hadla Colaada Muqdisho uguna baaqay dhinacyada wada Hadal..

Sacuudiga oo Noqday Dalkii ugu horeeyay ee ka Hadla Colaada Muqdisho uguna baaqay dhinacyada  wada Hadal..
____________________________________________________________________________

Feb: 20/2/2021

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in si dhaw ay ula socdaan Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan is marin waaga ka taagan Doorashooyinka & isku dayga dibadbaxa musharixiinta oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay daabacway Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee loosoo gaabiyo SPA ayaa lagu sheegay in xalka uu yahay habka ugu habboon ee looga fogaanayo dhibaatooyin kale.

“Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga waxa ay indhaha ku heysay horumarka Soomaaliya & Dhacdooyinka walaalaheen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waa wax laga xumaado in dhimasho iyo dhaawac dad ku noqdaan isku dhac ka dhacay Muqdisho” ayaa lagu yiri warka lagu daabacay Wakaaladda Wararka Boqortooyada Sacuudiga.

“Waxa aan adkeyneynaa degenaanta walaalaha Soomaaliya oo aan leenahay waa in aad xal nabadeed ka gaartaan kuna dhammeysaan wax waliba oo la kala tabanayo si loo taageero nabadgalyada, Xasiloonida & wadajirka” ayaa lasii raaciyay qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga.

Boqortooyada ayaa dhibka la qaybsatay qoysaska dadkoodu waxyeeladu gaartay, dhaawacyada ayay u rajeysay in ay ka caafimaadaan, waxaana ay tilmaamtay in ay xoojineyso dedaal weliba oo lagu gaarayo miiska wadahadalka oo ah goobta ugu habboon ee wax lagu saxo.

Sacuudiga ayaa ku biiraya Dalal, Ururo & dadka kala duwan sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD & kuwo kale oo ka falceliyay isku dhacii habeen kahor Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka & ilaalada Musharixiinta, dibadbaxyaasha lagu rasaaseeyay Caasimadda & khilaafka ka taagan Doorashooyinka Dalka.

 

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post