1419 Views

Taliyaha Ciidanka Uganda oo la kulmay Madaxda AMISOM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo la kulmay Madaxda AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 24, 2018 –Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Uganda Gen Devid Muhuuzi ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay madaxda ugu sarreysa Taliska AMISOM iyo Taliyayaasha Ciidamada Uganda

Taliyaha ayaa u yimid qiimeyn uu ku sameynayay howlaha AMISOM ee Somaaliya gaar ahaa Ciidamada Uganda sida uu howlgalkooda u waafaqsanyahay qprsha howleedka loo soo diray.

Mr Muhuuzi ayaa isaga oo la hadlayay saraakiisha AMISOM ee ku sugan Xerada Xalane waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in AMISOM af fuliso qorsha howleedka Golaha amaaanka ee Qaramada Midoobey ee waafaqsan ka bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamada dalkiisa ka socda ee Uganda ayuu sheegay in ay shaqadooda si saxan u gudunayaan inta uu ka soo arkayna ay tahay hab waafaqsan qorshe howleedka shaqadooda.

Waxaa uu u tacsiyeeyay Ciidamada AMISOM e ku dhintay ama ku dhaawacmay Soomaaliya,kuwaas oo uu ku tilmaamay geesiyada Afrika.

Mr Muhuuzi ayaa mar wax laga weydiiyay qiimaha Uganda uga baxay Soomaaliya ku jawaabay “adduunka oo dhan waa uu ogyahay in Uganda ay suuragal ka dhigtay howlgal loo heystay in uusan suuragal ahayn,markii ay Ciidankeeda ku billowday Soomaaliya.”

Waxaa kale oo uu sheegay in arrinta la xiriirta dhimis dheeraad ah oo lagu sameeyo Ciidamada AMISOM gaar ahana Uganda ay tahay mid miiska saaran oo ay doodeeda socoto,waxaana uu sidoo kale xusay in ay suuragal tahay in waqtigaba loo kordhiyo AMISOM si guulihii la gaaray aysan u khasaarin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment