1071 Views

Hay’adda laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliya oo fariin u dirtay shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliya oo fariin u  dirtay shacabka Soomaaliyeed.
____________________________________________________________________________

Hay’adda laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed ee uu Madaxda ka yahay Agaasime Maxamed aadan Jimcaale Koofi  ayaa fariin u dirtay shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda ayaa waxay shacabka Soomaliyeed ku wargalisay in markii uu Pasaporka ka dhumo  Muwaadinka uu ku wargaliyo  in uu  la wadaago  Hay’adaha amaanka ama saldhiga Boolis ee ugu dhaw qofkaas.

” Muwaadin, haddii Baasaboorku kaa lumo, fadlan degdeg ula xariir oo ku wargeli Saldhiga booliiska ee kuugu dhow oo ku siin doona warqadda baafinta. ama xaqiijinta in uu kaa lumay Baasaboorka, si bari markaa u imaado waaxda Bixinta Pasaporka kuugu fududaado sida sharciga ah.

FG: Sawirka Baasaboorkaaga oo aad keydsato ama aad ka hayso Copy waxay ku caawineysaa marka uu kaa lumo Muwaadin

Sidoo kale arintaan ayaa ku soo aadaysa Xili uu sii balaaranayo horumarka, Hay’ada laanta Socdaalka ay  ku talaabsatay Bilihii la soo dhaafay, taasi oo caddayn Buuxda u ah dadaalka uu Wado Taliyaha laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed Col Maxamed aadan Jimcaale Koofi iyo Teamkiisa oo wax badan ka qabtay xaalada Pasaporka Somaliga ah 5 Sano ee la soo dhaafay.

fariintaan ay soo saartay Hay’adda laanta Socdaalka ayaa waxay ku soon aadaysa Xili  qofka  Soomaaliga ah  marka uu ka Lumo Ducumentiga ama Pasaporka aysan wargalin saldhiga ugu dhaw ee Booliska ah, kaasi oo raadin iyo Xaqiijin ku samayn kara in qofkaas uu lahaa Pasaporka ka lumay, sida sharciga ah Marka loo eego dhaqanka caalamka ka jira, Balse Somalida ayaa ku soo baraarugta Mar kale taasi oo aan sharci ahayn.

W/Q/ Abdihakim Elmi Hassan

Nairobi Kenya

Email- Cabdixakiin441@hotmail.com

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post